Qaxooti ka badan 1900 qof oo Yemen ka soo Qaxay ayaa soo saaka gaarey Bosaso
6 jun 2015 (Puntlandes) Qaxooti ka soo Qaxay Dalka Yemen ee dagaaladu ka socdaan tiradooduna ay ka badan tahay 1900 oo qof ayaa Saaka soo gaarey magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Dadkan oo isugu jirey Soomaali iyo Yemeniyiin ayaa waxay la socdeen doon lagu magacaabo Suldaana, tasoo shalay kasoo shiraacatey dekedda Mukallah. Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas’uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, Wasiirka Dekedaha, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha, Duqa Degmada Bosaso iyo xubno ka socdey hay’adaha Bisha Cas iyo IOM.
Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud loo qaybiyey dadkaas oo intaas kaddib loo soo daad gureeyey goob loogu talo galay in Qaxootiga Yemen kasoo cararaya si kumeel gaar ah loo dejiyo.
Laga soo bilaabo bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa magaalada Bosaso ee Puntland soo gaarey Qaxooti ka soo Qaxay dagaalada ka socda dalka Yemen kuwaas ii isugu jiray Soomaali, Yemen iyo Itoobiyaan tiradooduna waxay ka badan tahay 10,000 qof
Punylandes.com