Golaha Wakiilada Somaliland oo kulamada kalfadhiga 5aad ka joojiyey Xildhibaan Maxamed Abiib Kadib
11 Mars 2023 (Puntlandes) Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo inta ka hadhsan kalfadhiga 5aad ee Golaha, oo ku eg 07.Apl.2023 ka joojiyey Xildhibaan Maxamed Abiib Kadib markii lagu eedeeyey buuq fadhigii maanta ee Golaha.
Go’aankaan ayaa waxaa ku saxiixan Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland Siciid Mire Faarax.