Madaxweyne Deni oo Xeer ku astaynteeyey maalinta doorashadda goleyaasha deegaanka Puntland
12 Mars 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer madaxweyne oo uu soo saaray ku astaynteeyey maalinta doorashadda goleyaasha deegaanka Puntland, taas oo ah 25 maajo 2023ka.
Hoos ka akhriso Xeerka madaxweynaha:
Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad
Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad
Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.
Wuxuu Xeeriyey:
1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD