Ahlusunna oo la wareegtay magaalada Dhuusamareeb
7 jun 2015 (Puntlandes) Ahlusuna Wal-jameeca ayaa saaka Dagaal kula wareegtay magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah Gobolka Galgaduud iyagoo kala wareegay DFS
Ciidamadan dagaalka kula wareegay magaalada ayaa waxaa la sheegay inay ka soo Ruqaansadeen degmada Guriceel,waxayna gacan ku dhigeen dhammaan goobihii muhiimka ahaa ee ay ku sugnaayeen ciidanka huwanta DFS oo horay magaalada u maamullayay.
Ciidanka Ahlusuna Wal-jameeca ayaa waxay wateen Hub aad u culculus oo tira badan, waxaana meelaha uu dagaalka xooggan ka dhacay ka mid ah guriga guddoomiyaha gobolka Galgaduud,sida uu sheegay qof ku dhow halka.
Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay ilaa iyo hada dhanka Huwanya ku dagaalamayey magaca DFS.
Puntlandes.com