DEG DEG: Dowladda Puntland Oo ka hadlaysa Arrinta jubbaland & Saxaafadda Oo Madaxtooyada looga yeeray
7 jun 2015 (Puntlandes) Waxaa looga yeeray oo ku sugan Xarunta Madaxtooyada Dowladda Puntland Saxaafadda Magaalada Garoowe waxaana la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto Dowladda Puntland, ee madaxweynaha ka yahay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali GAAS, wixii shalay Muqdisho ka dhacay iyo xiriirka Jubbaland ay u jartay DFS.
Wariyayaasha ayaa iminka ku sugan Madaxtooyada Puntland waxaana ka mid ah bahda Warbaahinta Puntlandes wararkuna waxay sheegayaan in War-saxaafadeed ay dowladdu soo saartayso uu Warbaahinta u akhrin doono Afhayeenka Madaxtooyada Puntland C/laahi Maxamed Jaamac “Quraan Jecel”.
Dowladda Puntland ayaa Mowqifkeeda ku aaddan khilaafka Cusub ee Jubbaland iyo Federaalka Caddayn doonto.
Kala soco Warbaahinta Puntlandes goordhow.
Puntlandes.com