Dowladda PL oo cambaareysay Mooshinkii Baarlamanka DFS ay ku Carqaladeeyen JL
7 jun 2015 (Puntlandes) Dawlada Puntland ayaa Cambaaraysay Mooshinkii shalay ay Baarlamaanka DFS ku kala direen Baarlamaanka Jubaland iyagoon wax Sharciyad ah u haysan.
Puntland ayaa sheegtay in Go’aankaas uu ahaa mid khilaafsan Dastuurka Federaalka, Habka Federaalka iyo Hiigsiga 2016-ka, waxaana Puntland ay sheegtay in Baarlamanka Soomaaliya uu ka dhintay dareenka wadaninimo iyo Soomaalinimo, isla markaana ay Ceeldheer ku rideen rajada laga qabay dib u hanashadda Dawlad Soomaaliyeed.
Ugu dambayntii Dawlada Puntland ayaa taageertay go’aanka ay Jubbaland xiriirka ugu jartay DFS.
Halkan Hoose Ka Akhriso Warsaxaafadeedka Puntland
Puntlandes.com