Wasiirka DFS Odawaa oo u Hanjabay Xoogaga Ahlu Sunna Waljameeca
7 jun 2015 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee DFS Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa ayaa u Hanjabay Xoogaga Ahlusunna Waljameeca oo maanta Dagaal kula wareegay magaaladda Dhuusa Marreeb ee xaruta gobolka Galgaduud.
“Dowladda Soomaaliya tallaabo deg deg ah ay u qaadi doontaa ka hortaga kooxda nabad diidka ah ee inta isa soo abaabulay weeraray magaalo xasilooni ka jirtay kuna jirtay gacanta dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Odowaa.
Wasiir Odawaa ayaa sheegay in ay tahay wax laga xumaado weerarkii maanta Xoogag Ahlusuna Waljameeca kula wareegeen magaalada Dhuusa Mareeb, isagoo ku tilmaamay in tallaabadaasi tahay mid ay kooxdaasi uga baxday heshiiskii xabad joojinta ahaa ee kal hore lagula galay magaalada Guriceel.
Sidoo kale Wasiir Odowaa ayaa ku tilmaamay qabsashada Dhuusa Mareeb mid lagu hagardaameynayo habsami u socodka dhismaha maamulka Gobollada dhexe, isla markaana lagu qalqal-gelinayo nabadda iyo xasilioonida ay heystaan shacabka Gobollada dhexe.
Gelinkii hore ee maanta ayaa Ciidamo Taabacsan Ahlusuna oo ka yimid dhinaca Guriceel ay dagaal kula wareegeen Dhuusa Mareeb, iyadoo ciidankii dowladda ay isaga baxeen magaalada, isla markaana gaaray degmada Cadaado.
Puntlandes.com