WQ Yusuf Siyad: Khasaaraha Naf iyo Maaliyadeed ee ka dhashay Dagaalka Laascaanood 6.02.2023 ilaa Maanta (Dhinaca Somaliland)
Dagaalka Ka Bilowday Laascaanood Bilowgii bishii Labaad ee Sanadka ilaa maantana Socda marka laga reebo khasaaraha uu gaadhsiiyay Dadka degaanka iyo magaalada Laascaanood.
Dhinaca Somaliland oo ciidankeedu joogeen halkaas ilaa 2007dii waxa ka soo gaadhay khasaare aad u balaadhan oo Nafeed, Qalab iyo Maaliyadeed oo ay adagtahay ka soo kabashadiisu mudo dheer.
Waxa kale oo guud ahaan fashilmay Sawir ay ka bixin jireen kuwa Taliyayaasha u ah iyo Maamulka Somaliland ba in Ciidanka 30 Jirsaday yahay ciidan aad u adag oo ka dhisan Xoog Nafeed iyo mid qalaba, tiro ahaana kor u dhaafay 20 kun oo askari oo Xeryaha jooga iyo 10 kun oo loo yeedhi karo marka loo baahdo mushaharna qaata.
Iyadoo aad loo adkeeyay in cidi su’aal galiso ama shaki ka keento Sheegashadaa laguna gabado wax la yidhaa (Sir Ciidan) oo u diiday Saxafi iyo Mucaarid midkood na inuu ka Hadli karo waayo waxa la qarinayay in Ciidanka la sheegayaaba ahaa Sanduuq Caydheed oo Reer ka mid aha reeraha Dalka dagani dadkooda baahan shaqo abuur uga sameeyaan.
Beeralay iyo Haween dad u badan ayaa ku qornaa askar oo magaalada iska jooga, waxa kale oo jirta in tirada ciidanka ee Caaglayaasha ah ama magac cidi wax ku qaadato uun ahi ay ka bateen tirada rasmiga ah xeryaha laga helay.
Tusaale xerada 31 aad Ciidankii ku mushahar qaadanayay waxa kaliya oo laga helay inay askar jirta yihiin 30% inta kale waxay ahaayeen magacyo taliyayaashu ku qaataan mushahar. Tani kuma koobna oo kaliya 31aad xero kasta oo ciidan ku qornaa way gartahay xerada xitaa 50% loogu tagay .
Tani ma ahayn wax aanay ogayn kuwa Maamulka hayaa ee iyaga laftooda ayaa ka mid ah Dadkii lunisga lacagtaa qaybta ka ahaa. Muuse biixi laga soo bilaabo 1997 kii ilaa maalintuu Madaxweyne noqday waxa uu lahaa tiro Caaaglayaal ah oo inaadeerkii Ismaciil shaqale uga qoray Ciidanka maadaama aanu shaqayn jirin.
Waxa nasiib daro ah xitaa iminka oo arintani dibada u soo baxday oo cadayntii la hayo inaanu jirin Saxaafad, Mucaarid iyo Cid kale oo ka hadlaysaa ama su’aalo ka waydiinaysa cidii Faldambiyeedka intaa leeg gaysatay marka xitaa lagu daro Baarlamaanka.
Aan u soo noqdo khasaaraha kaga dhacay Ciidankaa magaalada laascaanood oo aan ka soo ururiyay Afar meelood ( Goojacade, Oog, Burco iyo Birjeex) isla markaana laga yaabo inay jiraan wax badan oo qarsoon waa sida tan
Dhimashada 491 askari, waxaana ku jira 28 sarkaal, (oo aanay dhaawaca dhintay ku jirin iyo Qaar ay ku aastay hayada Bisha cas magaalada laascaanood oo maydkooda aanay soo qaadan )
Maxaabiis : 11
Waxa lagu kala aasay laba meelood oo ay u badan tahay magaalada Oog iyo meel la yidhaa Dhuxun oo Goojacade waqooyi ka xigta.
Dhaawaca 942, waxa lagu diiwaan galiyay magaalooyinka Oog iyo Burco.
Qalabka Gubtay ama la qabsaday 21 gaadhi (2 ka mid ah waa la qabsaday )
Maaliyada maalin laha ah ee ku baxa dagaalkaasi waa 300 kun oo dollar oo korodha maalinta dagaal dhaco kumana jirto mushahaarka iyo cuntada ay ciidankaasi qaataan .
Waxa xusid mudan sida loo qariyo khasaarahaas inuu gaadhay in ehelada qofka dhinta marka la siinayo kharashka tacsida oo ah 2 kun oo dollar in lagu xujeeyo inaanay tacsi soo dhigin Social media ha.
WQ Yusuf Siyad