Muuqaal: Somaliland oo sheegtay in dhaqaaleheedii hoos u dhac ku yimid
09 Apr 2023 (Puntlandes) Somaliland ayaa sheegtay in uu saameyn dhaqaale ku yeeshay Dagaalka Laascaanood, iyadoo xitaa Mushaharka Wasiirrada laga jari doono, sida uu maanta sheegay Wasiirka Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame
Dhaqaale xumida iminka jirta ayaa waxaa keenay:
a-Dekedda Berbera oo ganacsigii ka wareegay dagaalka Sool awgiis.
b- Suuqii Wajaale ee isku xirayay Kenya- Soomaaliya ilaa Itoobiya uu xirmay, oo dagaaladu saameeyeen.
c- Gubashadii Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa oo saameyn ba’an ka dhalatay.