Golaha wasiirada DDS oo ansixiyay in la kala diro ciidanka gaarka ah ee liyou Boolis.
10 Apr 2023 (Puntlandes) Golaha wasiirada Degaanka Somaalida, DDS, ayaa maanta ansixiyay in la kala diro Ciidamada gaarka ah ee deegaanka ee lagu magacaabo liyou Boolis.
Qoraal uu Madaxweynaha DDS Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar) uu ku soo qoray bartiisa Twiter-ka ayuu ku sheegay inay maanta golaha wasiiradu ansixiyeen in dib u habayn lagu sameeyo liyou Booliska DDS.
Go´aankaan ayaa ka dhigan in DDS noqonayso degaankii ugu Horeeyay ee si toos ah ugu dhawaaqa fulinta kala dirista liyou boliska ama dib uhaybta.
Qaar ka mid ah Deegaamada kale sida Amxaarada ayaa ka horyimo go’aanka inkasta oo xukuumadda dhexe sheegtay in ay khasab tahay kala dirista Ciidanka Liyuu Booliska deegaamada Ethiopia.