Sawirro: Puntland oo Nairobi shir kula yeelatay Bangiga Horumarinta Africa (AFDB)
11 Apr 2023 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Xisaabiyaha Guud ee DPL Mudane Cumar Saalax ayaa Magaalada Nairobi shir kula yeeshay Madax ka tirsan Bangiga Horumarinta Africa (AFDB) oo uu hormuud u yahay Madaxa hawlgalada Bangiga ee Xafiiska Bariga Africa, Madaxa mashaariicda horumarinta dowladnimada iyo Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale.
Shirkan Waxaa sidoo kale dhanka habka fogaan aragga shirka uga qaybgalay La taliyaha maamulka Maaliyadda ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Cabdulqaadir Xaashi.
Shirka ayaa looga wada hadlay mashaariicda horutabinta u leh Dowladda Puntland iyo sidii Bangiga Horumarinta Africa uu gacan uga geysan lahaa fulinta mashaariicda, gaar ahaan casriyeynta maamulka Maaliyadda, sare u qaadista dakhliga, gaar ahaan dhismaha xarumaha dakhliga ee Dowladda Puntland dhawaan ka hirgalinayso Xeebaha Puntland si loo dardargeliyo dakhliga canshuuraha Biriga oo Wasaaradda Maaliyaddu ay ahmiyad weyn siinayso. Iyo kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan Jidadka.
Bangiga Horumarinta Africa ayaa dhankiisa soo dhaweeyey horumarka ka socda Puntland, khaasatan hindisayaasha dib u habeynta, mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo hirgelinta hannaanka Dimuqraadiyeynta.
Madaxda Bangiga ayaa sidoo kale soo dhaweeyey mashaariicda horutabinta leh ee Wasaaradda Maaliyadda iyo sheegayna in Bangigu ka qayb qaadan doono maalgalinta mashaariicda.