Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland “PYPA” oo kahor yimid Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland

14 Apr 2023 (Puntlandes) Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland (PYPA) ayaa kahor yimid Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland ee ay Gudiga Doorashooyink KMG (TPEC) iyo xukuumadda Puntland ku mudeeyeen 25ka bisha soo socota ee May.

Ururka PYPA ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Puntland Siciid cabulaahi Deni & TPEC in ay afduubteen hanaankii dimuqraadiyadda  iyo shuruucdii doorashooyina Puntland sida ay ku sheegeen Warsaxaafadeedka ay soo saareen.

TPEC oo dhawaan shaaciyey codbixiyayaadsha isdiiwaangeliyey ayey ku sheegeen dad ku 400.000, iyadoo madaxweynaha Puntland uu Hub iyi ciidan aad u faro badan u isticmaalay diiwaangelinta taasoo keentay inay codbixiyaaal badan aysan isdiiwaangelin.

About The Author