Dhageyso: Baarlamaanka Puntland oo eedeeyn u jeediyey Baarlamaanka DFS
8 jun 2015 (Puntlandes) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta waxa uu ka hadlay Mooshinkii ay sheegeen in ay ansixyeen baarlamaanka DFS ee ay ku kala direen baarlamaanka Jubaland.
Gudoomiyaha baarlamaanka Puntland Saciid Xasan Shire ayaa sheegay in Mooshinka uu ahaa mid Sharci daro ah oo ay cambaaraynayaan isagoo tilmaamay in xildhibaanada ay ku dhaqaaqeen wax sharci daro ah oo aysan xaq u lahayn in ay ka hadlaan.
Awooda Baarlamaanka federaalka ayuu sheegay in aysan khusayn arrimahan oo kale in ay ka hadlaan ama ay mooshin ka keenaan, wuxuu sheegay in ay ku xad gudbeen dadka ay matalaan oo ah baarlamaanada federaalka.
Marka uu furmo kalfadhiga Baarlamaanka Puntland ayuu Gudoomiye Saciid sheegay in qodobada ugu soo horeeya ee laga hadlayo ay ka mid tahay go’aan ka gaarida ficilada uu ku dhaqaaqayo baarlamaanka DFS wuxuuna xusay in baarlamaanka Puntland kal fadhiga u soo horeeya looga doodi doono.
Baarlamaanka Federaalka wuxuu ku eedeeyey in ay gabeen shaqadooda oo ay caadaysteen sida uu sheegay mooshin keen iyo carqaladaynta arrimaha maamulada dalka, Wuxuu madaxweynaha feeraalka ugu baaqay in uu baaris ku sameeyo khaladaadka Baarlamaanka federaalka ka dib go’aan ka gaaro.
Dhinaca kale Baarlamaanka Puntland waxay taageereen go’aanka ay wada qaateen maamulka Jubba iyo Baarlamaankiisa oo ah in ay xiriirka u jareen dowladda Federaalka Soomaaliya inta wax laga qabanayo arrinta baarlamaanka federaalka.
Dhagayso Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland
Puntlandes.com