Wasiir Juxa oo amray in aan qofna aragtidiisa siyaasadeed iyo urur-siyaasadeedka uu ka tirsan yahay awgeed aan shaqada looga joojin karin

16 Apr 2023 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid (Juxaa) ayaa uga digtey Guddoomiayaasha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland in aysan mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha kala duwan ka hor-istaagaan ka qayb noqoshada ururka ay doonayaan.

Qoraalka wasiirka ayaa daba socota ka dib markii maanta Booliiska Garowe ay xabsiga dhigeen guddoomiyihii xaafadda Hantiwadaag oo ku biirey Ururada mucaaridka, halkaan ka akhriso faahfaahin.

Xilli Puntland ay isu diyaarinayso Doorashada Golayaasha Deegaanka ayaa maamullada gobolada iyo degmooyinka ay dadka dowladda u shaqeeya ku riixayaan ka mid noqoshada ururka dowladda.

About The Author