Beesha Caalamka oo u digtay Madaxweyne Muuse Biixi

17 Apr 2023 (Puntlandes) Bayaan kasoo baxay 15 kamid ah safiirada caalamiga ah oo kulamo la lahaa maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Biixi iyo Isimadda SSC, ayey waxay ku baaqeen in la joojiyo dagaalka Laascaanood, in Muuse Biixi kala baxo ciidamada Somaliland magaalada.

Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay taageerada fulinta ballanqaadyada labada dhinac, iyagoo ka digay sii socoshada dagaalka iyo abuuris la,aanta jawi nabadeed oo lqgu wadahadli karo. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay ka fiirsan doonaan Saaxiibada caalamiga ah taageerada ay siiyaan Somaliland haddii aan laga saarin ciidamada maamulkaas Laascaano. Dhinaca kale, safiirada Beesha Caalamka ayaa ka hadlay qalalaasaha doorasho ee Somaliland iyo ku darsiga Muuse Biixi, xilli 13kii November, 2022 ay ku ekeyd mudadiisa xil heynta. Waxaana ay ka dalbadeen jadwaleynta rasmiga ah ee doorashada Madaxtooyada ayna ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda ee Somaliland.

Hoos ka Akhriso ewarsaxaafadeedka Beesha Caalamka oo af-Ingiriis ah:

International partners joint statement on the situation in Laascaanood and Somaliland elections

About The Author