Sawiro: Banaanbax looga soo horjeedo DFS oo maanta ka dhacay Kismaayo
8 jun 2015 (Puntlandes) Waxaa maanta Magaalada Kismaanyo ee caasimada ku meel gaar ah ee Jubbaland ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo go’aankii 6-dii bishan ka soo baxay baarlamaanka DFS oo lagu sheegay in baarlamaanka Jubbaland uusan ahayn sharci.
Mudaaharaadkaas ayaa waxaa ka Qudbeeyey madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane C/qaadir Suldaan Lugadheere, Gudoomiyaha gobolka Jubbada hoose Mudane CC. Gooni, iyo masuuliyiin kale.