Daawo Video: Gaagaab ”Gobolka Mudug waxa ka maqan waa maqnaanshaha madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa”

118b

8 jun 2015 (Puntlandes) Waxaa Gobolka Mudug soo gaaray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo u yimid Gobolka in ay wax ka ogaadaay xaalada Gobolka iyo waxqabadka Xukuumada madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas intii ay Xilka haysay.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland u kala diray Gobolada dalka si ay u soo darsaan xaalada dhabta ah ee Amniga, Dhaqaalaha, Horumarinta Arrimaha Bulshada iyo Hirgelinta Mashaariic wax ku oog ah oo ay dadku ka faa’iidaan. Xog aruurintan ayey Xildhibaanadu ka samaynayaan Gobolada Puntland ka hor inta uusan furmin Kalfadhiga 35-aad ee Baarlamaanka oo furmi doono 15-ka Bishaan June

Xildhibaanadan yimid Gobolka Mudug ayaa maanta kulan balaaran la yeeshay maamulka Gobolka, kan magaalda iyo waxgarad ka soo jeeda Gobolka.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo goobta ka hadlay ayaa Dhaliil xoog leh u soo jeediyey Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Xukuumadiisa waxaana hadaladiisii ka mid ahaa ”Gobolka Mudug waxa ka aqan waa maqnaanashaha madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa” isagoo ku eedeeyey in aysan Gaas iyo Xukuumadiisu waxba ka qaban Gobolka Mudug intii uu Xilka hayey. Waxa uu iftiimiyey Mr Gaagaab carqaladaha ka jira Gobolka Mudug oo uu ku sheegay in ay ka mid yihiin Amaanka, Dhaqaalaha, maqnaanshaha Xildhibaanada,  Xukuumada maqnaanshaha iyo maqnaanshaha madaxweyne GAAS.

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author