Daawo Video: Bannaanbaxii Kismaayo gilgilay, qaar ka mida Qudbadahii laga jeediyey
8 jun 2015 (Puntlandes) Maanta ayaa waxaa Gilgilay magaalda Kismaany Mudaharaad balaaran oo dadka reer Jubaland ay uga soo horjeedaan Baarlamaanka DFS oo uu madaxweyne Xasan gadaal ka riixayey oo soo saaray 6dii bishan go’aan ay ku sheegeen in ay ku kala direen Baarlamaanka Jubaland.
Waxaa ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Jubaland, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland, Wasiiro, Masuuliyiinta Degmada Kismaayo, Gobolka Jubbada Hoose, Isimo iyo waxgarad badan ayaa waxay Qudbado xamaasadaysan ka jeediyeen banaanbaxii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose kaasoo looga soo horjeeday go’aanki baarlamaanka Federaalku ku diiday dhismaha baarlamaanka Jubbaland.
Dhamaantood waxay isku raaceen in ay u qabtaan madaxweynaha DFS Xasan Sheekh 24 saacadood haddii uu ilaalinayo Sharci sida ku cad Dastuurkii Soomaliyi ay ku shehiisay.
Daawo madaxweyne kuxigeenka Jubaland
Daawo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jubaland
Daawo wasiirka haweenka Jubaland
Daawo maamulka degmada Kismaanyo, Gobolka iyo Isimo
Puntlandes.com