Abshir Cali Qood “Sanad iyo bar ka dib nooma muuqato wax Puntland ku soo kordhay” [Maqal]

Abshir Cali Qood, oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Wuqooyi Bari ee Ingriiska gaar ahaan Magaalada Leeds, ayaa ka hadlay xaalada Puntland ee xiligaan ku sugantahay iyo Isbadalka ku yimid dhanka Maamulka tan iyo intuu xilka la wareegay Dr. Cabdiwali Maxamed Cali iyo Maamulkiisa.

Isagoo ku sugan Dalka Ingriiska, ayuu ka hadlay Hab Maamulka iyo Wax-qabadka Madaxweyaha Dowlada Puntland  Mudadii 16 Bilood eheed ee uu Xafiiska joogay ,balse waxa uu sheegay in uu qabo walaac aad u xoogan oo la xiriiro Aayaha iyo Mustaqbalka Puntland.

Abshir Cali Qood ayaa Madaxweyne Gaas iyo Xukuumadiisa waxa uu ku dhaliilay in ay ka gaabiyeen meel marinta balantii ay ka qaadeen Shacabka oo ahaa in ay mudo kooban dalka ku gaarsiin doonaan Horumar iyo Isbadal .

Balse waxa uu ayaan daro ku tilmaamay in mudo ka badan 15 Bilood ay xukuumada Puntland Xafiiska Joogtay  aysan bixin Mushaaraadkii Ciidamada kala duwan ee Puntland iyo  iyadoo uu hoos u dhac weyn ku yimid maqaamkii ay Puntland ku laheed Beesha Caalamka.

Siyaasi Abshir, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxweyne Gaas uu kala hadlay Labo Jeer marne uu markii xilka la wareegayay sheegay in uu dhaxlay Dal dhinac kasta ka dhisan iyo isagoo mar kale sheegay in xiligii Puntland ay maamulkeeda uu la wareegay aysan jirin xitaa 1 askari oo Dowlada u qoran oo qori heysto.

Halkan ka dhageyso Wareysiga oo  ah mid dheer  oo uu qaaday  wariye Cabdiqani Cali Dalmar

About The Author