Siyaasadda Puntland ee usbuuca Danbe iyo halka ay wajihidoonto!!
8 jun 2015 (Puntlandes) Dastuurka Puntland qodabadiisa masiiriga ahi waxay dhigayaan, sidatan.
Qodobka 3aad
- Awoodda oo dhan EEBBE ka sokow waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u
idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta
dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida
uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
- Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u
adeegsan kara si gaar ah.
Qodobka 4aad
- Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.
- Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan , faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii:
- Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah.
- Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya.
Intaasi waa hordhaca qormadaan ku saabsan sida ay u ekaan karto siyaasadda Puntland ee wixii ka danbeeya bilawga kal fadhiga baarlamaanka ee 15 June 2015. Iyo wax la gudboon Baarlamaanka marka la eego tusalayaasha xaqiiqda ku salaysan.
Baarlamaanka waxaa hor yaal laba qodob oo aad u muhiim ah.
- Midi waa masiiri ku saabsan go,aan ka qaadashada dawladda Xamar.
- Midina waa go,aan ka qaadashada xukuumadda fadhiidka ah ee Dr.Gaas.
Qodobka Xukuumadda Dr.Gaas.
Hadaynu ku hormarno go,aan ka qaadashada xukuumadda Dr.Gaas, waxay kaliyoo u baahan tahay in Baarlamaanku fiiriyo dastuurka aynu dhiganay, qodabkiisa 1 iyo 2. Intaas ka dibna ay eegaan ficilada xukuumadda Dr. Gaas ee mudadii la soodhaafay.
Waxaa Baarlamaanka la gudboon in ay garwaaqsadaan sida sharcidarridaa ee siyaasaddii iyo masiirkii Puntland loogu wareejiyey villa Xamar, ku wareejintaas oo si toos ah uga hor imaanaysa qodobka 4 faqradiisa 1. Tusaalaha arintaas waa tan keentay in iyadoo xarunteenii madaxtooyada la joogo looga ololeeyo sida ay Soomaaliya ugu baahantahay nidaam dawlad dhexe. Iyadoo la bedeley magicii Dawlad federaal ah oo lagu bedeley Dawlad Dhexe, iyo iyadoo si cad madaxtooyada Puntland looga yiraahdo, iyagaa inooga mas,uul ah lacagta, khayraadka dabiicigaa iyo arrimaha dibedda. Halkii uu markii hore ka jirey ” Dual-track system” cadaynayey in intaas aan u madax banaan nahay inta laga helayo Dawlad federaal ah oo heshiis lagu yahay.
In ay fiiriyaan sida loogu tuntay qodabka 4 faqradiis 3, Bal daa in Puntland kusii dhaqanto hab awood dawlad madax banaan, inta dastuur fedaraal ah oo heshiis lagu yahay laga helayo e waxay raali ka noqdeen in kii kumeelgaarka ahaa la badelo.
In ay fiiriyaan sida dhaqaalihii dalka loogu isticmaalay tumosho, xaflado iyo dalxiis. Halka ay shaqaalihii dawladda iyo ciidamadii mushaar la, yihiin muddo ka badan sannad.
In la eego ammaanka oo faraha ka sii baxaya, halka maalinkasta golaha wasiirada laga soosaaro hadalo is difaac ah iyo in afka laga yiraahdo Ammaanku waa sugan yahay guud ahaan Puntland!!! Halka aynu ognahay in gobolo badan ay gacan kale ku jiraan, qaarna hadda weerar lagu yahay.
Halka caddaaladii, iskadaa in wax laga qabtee madaxtooyadii laga carqaladaynayo oo ciidankeedii maalin cad dambiile xoog kula baxay. Meesha nalooku khudbeeyo in reforms!! La wado.
Meesha uu joogo madaxweyne, liidaya shaqaalaha Puntland oo maalin kasta ku khudbeeya, erayada ah wax ma qoraan, aqoondaraa haysa iyo wax la mid ah, halkii ay shaqadiisa ahayd, kor uqaadidda tayada, xirfadda iyo aqoonta shaqaalaha. Waxay ilatahay intaas iyo kabadanba in xildhibaan kasta uu ogyahay jiritaankeeda. Sidaa awgeed iyaga looga fadhiyo wax ka qabashadeeda.
Qodobka kale ee go,aan ka qaadashada Dawladda Xamar.
Waxaa haboon in la waydiiyo Baarlamaanka waxa keenay qodobka laftirkiisa.
Hadday tahay quus iyo caalwaa laga qabo Dawladda Xamar. Haday tahay garawsiiyo la,aan iyo ku tumasho heshiis iyo sharci si joogta ah. Hadday tahay ixtiraam daro iyo xukun maroorsi sharci darri ah.
Ma la gudboontahay Baarlamaanka Puntland in ay fuliyaan Qodabka 4 faqraddisa 4. ?
Misse waxaynu sugnaa xiriir u jaridii 20:aad? Haday saas sameeyaan, maxaa ku hagaagaya? Haddii runta laga xishoodose ma gudcur indho ku cadayn baa xalka ummadu ku jirtaa?
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com