Dowladda Federaalka oo ka laabatay go’aankii ay Canshuurta shacabka Muqdisho ku kordhisay
11 May 2023 (Puntlandes) Dowladda Federaalka ayaa ka laabatay go’aankii ay Canshuurta alaabta kasoo degta Dekedda iyo Garoonka diyaadaha Muqdisho ku kordhisay 100% taas baddelkeeda waxaa lagu heshiiyay in korarku noqdo 50%.
Isbedelkaan ayaa yimid markii ganacsatada iyo dadweynuhu diidmo xooggan kala horyimaadeen damaca dhaqaale doon ee dowladda.