Sawiro: Qurba-Joogta Puntland ee Finland oo Casho Sharaf u Sameysay Danjire Maxamed Cali Ameeriko

Danjire Maxamed Cali Ameeriko oo maalmahaan booqasho ku marayay dalalka Waqooyiga Yurub isla markaana kulamo kala duwan la qaadanayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalkaasi ayaa magaalada Helsinki ee dalka Finland waxaa Kulan Iyo Casho sharafba u sameeyey  Qurba-joogta Puntland ee Finland  wuxuu la kulmay aqoonyahano Reer Puntland  iyagoona ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan arimaha somaliya iyo wixii xal waaro looga gaari lahaa kusoo dabaalida nabad.
Casho sharaftaas  oo ay soo agaasintay jaaliyadda Puntland ayaa aqoonyahanadii ka soo qeyb galay waxaa ka mid ahaa Danjire Cali qaasim ,Cabdulaahi Maxamed Sahal iyo  C/Casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan)oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee qurba joogta ah isla markaana qoraa bugaagta dhaqanka.
Munaasabadda kulanka  Casho Sharafta Loo Sameeyey Danjire Maxamed Cali Ameeriko ayaa waxaa ka hadlay aqoonyahanada Soomaalida ee dalka Finland  degan, waxayna sheegeen in Danjiraha soo dhoweynta qiimaha badan ee loogu sameynayo dalalka Yurub uu ku kasbaday mudan yahayna in taalo loo sameeyo
Danjire Ameeriko oo ahaa safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya ayaa mudadii uu xilka hayay waxaa lagu xusuustaa waxqabad muuqda, isagoo dadaallo aan hagar lahayn u galay sidii Soomaalida dalkaasi ku dhibaateysan loo caawin lahaa.
Kulankan ay wada qaateen Danjiraha iyo Qurba-joogta Reer Puntland ee Finland ayaa ku saabsanaa sagootin masuulkan qaran iyo Xog-waran dardaaran iyo waada tashi dhexmaray jaaliyada iyo Danjiraha .
Shacabka Reer Puntland ayey caadadood tahay sooryada iyo ixtiraamka,qadarinta ay  marwalba ku qaabilaan masuuliyiinta qaranka Soomaliyeed ee safarada shaqo ku taga wadamada ay ku dhaqan yihiin jaaliyadaha soomaliyeed ee ay marwalba ka muuqato wadaniyada iyo geesinimada ay u hayaan dalkooda hooyo.
Gudoomiyaha Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland Mudane Cabdiqani Axmed Ducaale ayaa danjiraha warbixin kooban kasiiyey waxqabadka jaaliyada sidoo kale gudoomiyaha ayaa ku amaanay dadaalkii iyo waxqabadkiisa danjire Maxamed  cali Ameeriko kulana dardaarmay inuu somali mideeyo una israago sidii umada somaliyeed dib u heshiin sax ah loogu abuuri lahaa iyo cadaalad.
Gudoomiye ku xigeen Dalada Qurba-joogta Puntland ee Finland Maxamud  Cabdirahman  shiinnle ayaa dhankiisa sheegay sida shaqadiisa dowliga aheed uqabanayey tusaale ahaan isdhaxgalka shacabka ku noolaa Naitobi iyo xeryaha qaxootiga taasoo muujineyso inuu ahaa masuul dadkiisa ka dhexmuuqda.
Afhayeenka Dalada qurba joogta reer Puntland Mudane Asad Caalim  ayaa danjiraha ku baraaryjiyey xerada dhadhaab inuu ka qeybqaato dib u celinta qaxootiga xerada ku jira ee uusan noqon mid shisheeye ku gorgortamaan celintooda sidoo kale afhayeenka ayaa danjiraha usoo jeediyey in uu sameeyo hey~ad somalida dhexdeeda ah oo qabanqaabisa sidii ugu wanaagsaneyd ee qaxootigaas lagu celin lahaa dhulkoodii hooyo lana kaashado qurba joogta somaliyeed.

Gudoomiye ku Xigeenka Golaha Dhexe ee Dalada qurba-joogta puntland Cabdulqaadir Canoow ayaa dhankiisa la dardaarmay Danjiraha ku dhiirageliyey inuu dadaalkiisa sii wado aruuriyana dhamaan umada somaliyeed meel walba ay joogaan Camoow wuxuu xusay inuu ku faraxsan yahay in danjiraha soo booqdo Finland jaaliyadana ay garab taagan tahay.

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
Puntlandes.com

 

About The Author