Daawo Video dhamaystiran: Guddoonka baarlamaanka DFS oo ka been sheegay mooshinkii ay Kooxda Xasan ka keeneen Baarlamaanka Jubaland

121

10 jun 2015 (Puntlandes)  Gudoonka Baarlamaanka DFS ayaa 6dii jun waxay sheegeen in ay meel mariyeen mooshin ka dhan ah Baarlamaanka Jubbaland, taasoo aysan u haysan wax sharciyad ah laakiin ay tahay Fawdo abuur.

Kulankaas ay ku sheegeen inay meel mariyen Mooshikii ka dhanka ahaa Baarlamaanka jubaland ma ahayn mid waafaqsan sharciga marka la fiiriyo Kooramka Baarlamaanka oo aan dhamaystirnayn iyo coddeynta oo aan u dhicin si sharciga waafaqsan.

Guddoomiyey kuxigeenka koowaad Jeylaani Nuur Iikar oo kulanka shir guddoominaayey waxa uu sheegay in ay fadhiyaan hoolka 102 xildhibaan markii ay dhacday coddeynta aan sharciga waafaqsanayn waxa u sheegay in ay coddeeyeen 142 xildhibaan kuwaasi oo 132 kamid ah ay mooshinka taageereen halka inta kale ay isugu jireen kuwo diiday iyo kuwa ka aamusay.

Mooshinkaan Sharcidarada ah ayaa waxaa gadaal ka taagnaa walina taageersan Madaxweynha DFS Xasan Sheekh oo u taagan u hiilinta Qabiil Shacidaro ku socda isagoon marnaba ka xishoonayn ku tumashada dawaladnimada Soomaaliyeed.

 

Halkan hoose ka daawo Videow muujinaaya sidii wax u dheceen June 6-2015

121a

Puntlandes.com

 

About The Author