Dhagayso: Maxaa ka hadliyey sadexdan Xildhibaan ee DFS XOOSH, SANYARE iyo SEED, Jubaland?

121f

11 jun 2015 (Puntlandes) Sadexdan Xildhibaan ee ka tirsan Baarlamaanak DFS oo kala ah Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed, Xildhibaan Cabdi Xoosh Jabriil iyo Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare, ayaa waxay si isku mid ah uga soo horjeesteen Talaabadii ay Baarlamaanka DFS ku Meelmariyey Mooshinkii Sharci daro ah oo ku sheegeen inay Golaha Wakiilada Jubaland kala direen.

Hadaba su’aasha dab badan ka dhex guuxaysa ayaa waxay tahay sababta ay maanta ku difaacayaan Qadiyad qusaysa Jubaland? Horay waxaanu u wada ogayn in uu Xildhibaan Xoosh uu aad u diidanaa dhismihii Jubaland uuna u ahaa afhayeen Kooxda madaxweyne Xasan ee Villa Somalia labada Xildhibaan ee kala ah SANYARE iyo SEED na waxay caan ku ahaayeen u adeegida Kooxda madaxweyne Xasan, sadexdoonada waxay ku shaqaynjireen Doolarka Villa Somalia.

Tusaale  Xildhibaanada kala ah Xildhibaan Yaasiin Cabdi Seed iyo Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur Sanyare waxay ka soo jeedaan Gobolka Mudug ee Puntland, waxaynuna wada ognahay in Kooxda madaxweyne Xasan ee Villa Somalia ay ku dhawaaqday inay Gobolka Mudug ee ay u matalayaan Baaarlamaanka DFS ay ku darayaan maamulka ay Cadaado ka dhisayaan. Haday Qadiyad difaacayaan SEED iyo SANYARE oo ka soo jeeda Beesha Cumar Maxamuud maxay uga hadli waayeen, Qadiyada Gobolka Mudug? Maxay uga hadli waayeen dhibka joogatada ah ee Kooxda madaxweyne Xasan ee Villa Somalia ay ku hayso Puntland?

Aqoonyahano ku xeel dheer Siyaasiyiinta Soomaalida oo ay Warbaahinta Puntlandes wax ka waydiisay arintan ayaa waxay ku jawaabeen, Maadaama ay arintani aad Xasaasi u tahay ayna ogyihiin in uu dabada ka riixayo madaxweyne Xasan waxa nimankani ku jiraan Gorgortay lacageed. Si ay uga helaan lacagtii ugu badnayd oo ay ka qaataan madaxweyne Xasan!!

Horay waxaanu u ogayn in ay lacag ku qaateen sadexdan Xildhibaan rididii RW Saacid iyo RW Cabdiwali Sheekh, waana Xildhibaano caan ku ah inay ku shaqeeyaan Doolar iyagoo ay dantoodu ku jirto hadba ninka haysta Doolarka.

Dhagayso Xildhibaan XOOSH oo ka hadlaya Qadiyada Jubaland!


Dhagayso Xildhibaan SANYARE oo ka hadlaya Qadiyada Jubaland!


Dhagayso Xildhibaan SEEDoo ka hadlaya Qadiyada Jubaland!


Puntlandes.com

About The Author