Sawirro: Madaxweyne Deni oo furay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland
10 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta si rasmi ah u furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland sanadka 2023, oo ay sanadka u fariisteen 22,626 Arday oo isugu jira Dugsiyada Dhexe iyo Sarre ee Puntland.
Madaxweynaha ayaa u rajeeyay ardayda Puntland in Alle u fududeeyo Imtixaanka, wuxuu xusay in Shaqooyinka dowliga ah iyo Adeega Bulsho uu si wanaagsan u socdo.
“Waxaan idiin rajeynayaa in Alle idinku guuleeyo Imtixaanka, dadaal ayaa la idiinka baahanyahay, muhiimad gaar ah ayeenu siinay Arrimaha Bulshada Hada waxaa inoo soo dhammaaday Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka 30 degmo, inta dhimana waa rajeyn inay qabsoomto”
Madaxweyne Deni ayaa ugu danbeyn gacantiisa ugu qeybiyey Ardayda Imtixaanka Shahaadiga ah, isagoo Wiilasha iyo Gabdhaha imtixaanka u fariistay u rajeeyay in alle u fududeeyo.