Sawirro: TPEC oo Maxkamadda Sare ku wareejisay Natiijada & liisaskii xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii 30ka degmo ee 25 May 2023
12 June 2023 (Puntlandes) Guddoomiyaha Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland, TPEC, Cabdirisak Axmed Saciid ayaa maanta ku wareejiyay Guddoomiyaha maxkamada sare Puntland AVV. Xasan Yuusuf Nuur Natiijada iyo liisaskii xildhibaanadii kusoo baxay Doorashadii qof iyo codka ahayd ee 30-ka degmo ka dhacday 25 May 2023.
Sida Xeerka doorashada iyo dastuurka Puntland dhigaayo Maxkamadda sare ayaa awood u leh ansixinta Kama danbaysta ah iyo qadadida dacwoyinka doorashada. Waxaa Xusid Mudaan in aan wax dacwo Ah oo ku saabsan natiiijada doorashad la soo gudbin mudadii 10-ka Cisho ahayd ee xeerka doorashoyinka dhigayey.
Madasha labada Guddoomiye kula kala wareegayeen liisaska waxa goobjoog ahaa oo joogay garsoorayaasha maxkamada oo u horeeyo Guddoomiye kuxigeenka Maxkamada sare iyo xoghaya Guud ee TPEC.