Maxkamadda derejada koowaad ee Bosaso oo xukun xabsi ah ku riddey 5 oo ku eedeysna inay ku xadgudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen

13 June 2023 (Puntlandes) Maxkamadda derejada koowaad ee degmada Bosaso ayaa xukun xabsi ah ku riddey shan nin oo dhallinyaro oo ku eedeysan in ay ku xad-gudbeen qoys ay gurigooda ugu dheceen xilli habeen kana duubeen muuqaal, iyaga oo handadaya, todobaadkii hore.

Maxkamadda ayaa hoggaamiyaha kooxda oo lagu magacaabo, Yuusuf Axmed Cali, Ina Xaliimo Xaaji, 18 jir ah, ku xukuntey lix sanno oo xarig ah, halka afarta kalena lagu xukumay min shan sanno oo xarig ah.

Sidoo kale waxa dhammaantood lagu xukumay min $4,000 oo doollar oo ah magdhowga muuqaalka ay faafiyeen iyo min $1,000 doollar oo kale oo ganaax guud ah inay bixiyaan.

Xukunkaani, waa xarig ilaa lix sano ah iyo ganaax $25,000 oo doollar ah, guud ahaan, iyadoo Maxkamaddu sheegtey in xukunkan uu ka furan yahay racfaan muddo soddon cisho ah, kaasi oo ay qaadan karaan eedaysanayaashu.

About The Author