Ururka Siyaasadeedka Mideeye oo ka Digay in Dastuurka Puntland la furo
16 June 2023 (Puntlandes) Ururka Siyaasadeedka Mideeye oo ah Ururka labaad natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka ee ka dhacday 30ka degmo ee Puntland ayaa warsaxaadadeed uu soo saasay waxa uu ka digay in Dastuurka Puntland la furo.
Ururka Siyaasadeedka Mideeye ayaa Madaxwayne Deni iyo Barlamaanka uga digay in ay Puntland qalaalse Siyaasadeed u horseedaan, isagoo madaxweynaha ugu baaqay in doorashada madaxweynaha waqtigeedii qabsoonto taladana uu waxkasiiyo siyaasiyiinta iyo waxgaradka.
Madaxweynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni ayaa riixaya isagoo xukuumadda mariyey in la furo dastuurka Puntland si qax looga bedelo taas oo siyaasiyiinta iyo waxgaradka Puntland ay ka horjeedaan in la furo.