Madasha Siyaasadda Puntland “….dabinka Madaxweyne Deni ku doonayo in Baarlamaanka Puntland loo adeegsado muddo kororsi iyo Dastuur furid aan sharciga waafaqsanayn”
16 June 2023 (Puntlandes) Madasha Siyaasadda Puntland waxay had iyo goor u taagantahay ilaalinta xasiloonida, midnimada iyo dowlanimada Puntland iyadoo tixraacaysa Dastuurka Puntland, gaar ahaaN; Qodobka 2aad, Firqada 1aad; Qodobka 7aad, Firqada 2aad; Qodobka 12, Firqada 1aad; Qodobka 40aad, Firqada 1aad, Xarafka (t).
Madashu waxay marar badan cod dheer ku sheegtay damaca Madaxweynaha Puntland Md. Siciid Cabdullahi Deni inuu yahay xukun maroorsi aan waafaqsanayn Dastuurka iyo xeerarka Dowladda Puntland, waana arin khatar ku ah xasiloonida, midnimada iyo dowladnimadda Puntland.
Madashu waxay Guddoonka iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Puntland xasuusinaysaa waajibaadkooda Dastuuriga ah iyo xaaladda xasaasiga ah ee uu kusoo aaday Kalfadhiga 52aad ee Golaha Wakiiladda Puntland, inuu yahay mid u baahan masuuliyad iyo taxadar dheeri ah si aysan ugu dhicin dabinka Madaxweyne Deni uu ku doonayo in Baarlamaanka Puntland loo adeegsado muddo kororsi iyo Dastuur furid aan sharciga waafaqsanayn, xilli ay gabaabsi tahay mudada Dastuuriga ee Xilhaynta Golayaasha Dowladda Puntland.