Muuqaal: Baarlamaanka Puntland oo isku raacay Ajandaha Baarlamanka ee kalfadhigaan, qodobo xasaasi ah
17 June 2023 (Puntlandes) Baarlamaanka dawladda Puntland ayaa u codeeyey Ajandaha Baarlamanka ee kalfadhiga 52aad ee khamiistii furmay., waxaana fadhiga soo xaadiray 52 Xildhibaan..
Ajandaha Baarlamanka Puntland ayaa lagu daray ka doodista doorashada madaxtinimada Puntland ee 2023/2024.
Qodobkan ayaa si weyn uga hadlaya ka doodista doorashada Baarlamanka iyo madaxtooyada si dalka looga saaro marxaladda hubanti la’aanta ah ee uu sii galayo.
Qodobada kale ee lagu daray ajandaha waxa kamid ah xaaladda Gobolka Sool, Amniga caasimadda Garowe iyo mushahar la’aanta shaqaalaha iyo ciidamada.
Fadhiga maanta ayey xildhibaannadu mid mid ugu codeeyeen, una ansixiyeen Cod aqlabiyad ah Ajandaha rasmiga ah Kalfadhiga 52aad ee Goluhu ka shaqeyn doono mudada uu Kalfadhigu socdo, sida uu qabo Qodobka 42-aad farqadiisa 4-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha, kaas oo Guddoonka Golaha Wakiilladu Golaha u soo gudbin doonaan si rasmi ah maalinta berri ( Axad, 18 bisha June, 2023)