Madaxweyne Deni oo xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka Amniga iyo wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha
17 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa, Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka Amniga Cabdisamad Maxamed Galan iyo wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdiweli Mire Xirsi.
Hoos ka akhriso Xeerka madaxweynaha:
XIL KA QAADIS : WASIIRKA AMNIGA IYO WASIIR KU-XIGEENKA ARRIMAHA GUDAHA .
Garoowe: 17 June 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda
Wuxuu xeeriyey:
Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:
1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.
2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD