Warsaxaafadeed kasoo baxay Jubaland oo looga hadlay Gedo
17 June 2023 (Puntlandes) Warsaxaafadeed ay kasoo soo maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland ayaa lagu sheegay inaysan garasho lahayn shacabka gobolka Gedo ee ka diidan damaca Axmed Madoobe.
“Jubaland waxay gudanaysaa waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ka saaran gobalka Gedo, 98% xubnaha golaha shacabka Federaalka ee metela Gedo waxay taageersan yihiin, siday cadeeyeen Jubbaland, 26 Xildhibaan, 17 xubnood oo golaha fulinta ah iyo Madaxweyne kuxigeen ayay Gedo ku leedahay Jubbaland kuwaas oo masiirkooda gacanta kuhaya” sidaas waxaa lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Jubbaland.
Jubbaland ayaa cid kasta oo kasoo horjeeda damaceeda ugu yeertay kuwa aan garasho laheyn oo been sheegaya, xili wasiiradda Gedo kasoo jeeda ee ku jira golaha Wasiiradda Federaalka ay si cad u sheegen 2 kamid ah in aysan sax aheyn, maamulka la magacaabay iyo Isku dayada Gedo ay ka wado Dawladda Federaalka Soomaaliya.