MD Guudlaawe oo xilka ka qaaday Jeyte magacaabayna
18 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan, kaasoo hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab.
Wareegtada xilka looga qaaday Cali Jeyte, ayuu madaxweyne Guudlaawe wuxuu sidoo kale xilka guddoomiyaha gobolka ugu magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Surufow).
Tallaabada xilka looga qaaday Jeyte ayaa ah mid lama filaan ah maadaama uu kaalin xooggan oo muuqata ku lahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, oo inta badan maleeshiyada looga saaray gobolka Hiiraan.
Jeyte ayaa dhowaan sheegay in qorshaha cusub ee wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab uu ka gedisan yahay midkii wejiga koowaad la tijaabiyay ee kacdoonka shacabka, kaasi oo kooxda Alshabaab looga xoreeyay deegaano horleh.
Jeyte ayaa ka dhawaajiyay in qorshaha dagaalka uga harayo madaxda sare ee dalka, maadaama laga leexday nidaamkii uu hore ugu guuleystay wejiga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, ee ahaa kacdoon dadweyne.
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare oo haatan ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan xasillinta iyo arrimaha rayidka deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab, ayaa mar sii horreysay sheegay in Al-Shabaab ay malaayiin dollar ku bixineyso sidii meesha looga saari lahaa guddoomiye Cali Jayte Cismaan, isla-markaana xilka looga qaadi lahaa, sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynihii hore ee HirShabelle ayaa sidoo kale xusay in beddalka Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa Alshabaab, isla-markaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka.
Sidoo kale wuxuu madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ugu baaqay inuu iska ilaaliyo dhagarta Alshabaab, isaga oo ka dalbaday in uusan beddalin Cali Jayte.
“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa,” ayuu yiri Waare.
“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte!.”