Akhriso Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 52aad ee Baarlamanka Puntland

18 June 2023 (Puntlandes) Ajandaha rasmiga ah ee Kal-fadhiga 52-aad ee Baarlamanka Puntland ayey Baarlamaanku shaaciyeen, kaasoo ka kooban 11 qodob.

Ajandahaan ayaa waxa ugu muhiimsan qodobada:

5. Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso

7. Ka doodista Nushahaarka Ciidanka iyo Shaqaalaha dawladda

8. Ka doodista xaaladda gobolka Sool

9. Ka doodista Amniga Puntland iyo kan caasimadda Puntland

10. Go’aan ka gaarista arimaha la xiriira doorashada 2023/2024.

Qodobka 5aad iyo kan 10aad, Xeerarka ay Xukuumaddu soo gudbisay/gudbiso iyo go`aan ka gaarista arimaha la xiriira doorshada ayaa aad muhiim u ah maadaama uu hareeyey muran badan oo ku saabsan madaxweynaha oo diiday inuu caddeeyo in doorasho la aadayo 8da jaanyo iyo xukuumadda oo gudbisay in dastuurka wax ka bedel lagu sameeyo taasoo hoosgeli karta labadaan qodob.

About The Author