Madaxweyne Deni oo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka.
25 June 2023 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 38 ee 24-ka Juun, 2023, kuna saabsan magacaabid Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.
Markuu arkay: Baahida loo qabo dar-dar gelinta Hay’adaha kala duwan ee Dowladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Axmed Naxar Siciid Aw-nuur loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD