Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland oo cambaareeyay hadaladii uu gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland
02 July 2023 (Puntlandes) Urur Siyaasadeedka Dhalinyarada Puntland, (PYPA), ayaa cambaareeyay hadaladii uu gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ka jeediyay xafladii 1da July, kaasoo uu ururku ku sheegey inay ahaayeen hadalo dab kusii shidaya khilaafka.
Sidoo kale uu ahaa hadalka gudoomiyihi mid lagu carqaladaynayo dadaalada waxgaradka iyo Isimadda Puntland ee xal u helidda dhibkii ka dhacay Caasimadda Puntland ee Garowe. Ururka Dhalinyarada Puntland wuxuu ugu baaqay madaxda Puntland inaysan xaalka ugasii darin kana baaqsadaan wax alle iyo wixii dhibaato horleh keeni kara taladanah loo daayo isimadda Puntland oo mar walba marjac u ah dowladnimadda iyo nabadda Puntland.
Halkan hoose ka daawo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ku adkaystay inay dastuurka furayaan oo siday rabaan ka yeelayaan: