Muuqaal: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo Golaha Wakiillada u gudbiyey Xisaabxirka miisaanadii 2022

03 July 2023 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa Golaha ka hor shegay in Miisaanadii sanadkii 2022 uu jiray hoos u dhac dakhli oo ahayd 14%.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay dawladdu daymo ku gashay doorashadii ka dhacadau 30ka degmo, taas oo loo gubiyey Miisaaniyadda 2023ka.

Dakhliga ku talogalka ah ee Miisaaniyad sanadeedka 2022ka ayaa u qoondaysnaa 106 039 035$, halka dakhliga soo xarooday uu noqday 91 177 696$ taasoo ka dhigaysa isdhinka 14 861 339$ oo u dhiganta 14%.

About The Author