WARBIXIN DHAB AH EE MASHRUUCII DHISMAHA WADADA GAROWE & GALKACYO

04 July 2023 (Puntlandes) Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad dano ka gaar ah ka lahaa ayaa waxay faafiyeen war sheegaya in Xukuumadii uu madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Gaas ay musuqmaasuqday mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo ka tirsanaa madaxda Shirkaddii ku guulaysatay dhismaha wadadaas ee ISXILQAAN ayaa mar uu 2018kii saxaafadda la hadlayey waxa uu sheegay in siyaasiyiin ujeedadoodu tahay cid ku xumeeya ama musharixiin is lahaa dan baa idiinku jirta ay shacabka marinhabaabiyeen.

Hoos ka akhriso Warxinta oo ay Warbaahinta Puntlandes horay u daabacday:

Wadada Laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ayaa sanadkii 2017dii waxaa heshiis ku galay in 40 km la dhiso, halka 40 kalena la dayactirayo Shirkada ISXILQAAN iyo Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Qaybta wadada la dhisayo ayaa ah Burtinle iyo Xarfo, halka qaybta la dayactiriayana ay tahay Jalam iyo Burtinle.

Mashuuraca dhismaha wadada

Mashuuraca dhismaha wadada waxaa Maalgeliye ka ah Midowga Yurub (EU), waxaana Wakiil u ahaa EU Hay’adda GIZ oo ay leedahay dawladda Jarmalku.

Fuliyaha Mashruuca GIZ ayaa waxay heshiis la gashay PHA oo u dhexaysa hirkada dhisaysa iyo fuliyaha.

Mashuucaan waxay EU du u qoondaysay lacag ah $6000 000, waxaana lacagtaas maamulaya fuliyaha, GIZ oo kaliya.

Tartan furan oo loo galay ayey Shirkada ISXILQAAN oo laga leeyahay Puntland ku guulaysatay, waxaana si rasmi ah loo shaaciyey maarso 2017kii, waxaana si rasmi ah loo kala saxiixday 1 april, hoos ka daawo.

Warbaahinta Puntlandes ayaa si qoto dheer ugu samaysay baaritaan si ay shacabka reer Puntland ugu iftiimiso xaaladda dhabta ah ee uu mashruucu soo maray ama ku sugan yahay.

Shirkada ISXILQAAN ayaa waxay kulankii shaqo ee ugu horeeyey kula yeelatay GIZ magaalada Addis Abeba bishii april bartamaheedii ee 2017kii, halkan ka akhriso, waxaana lagu heshiiyey sidii ay u wada shaqayn lahaayeen Shirkada ISXILQAAN iyo PHA oo dhan ah iyo GIZ iyo PHA oo dhan ah.

Sida dhaqaalaha mashruucu ku baxayey & sida loo maamulayey

Dhaqaalaha waxaa maamulayey sidaan horayba usoo jeegnay GIZ oo wakiil ama Fuliye u ah EU, wuxuuna ku baxayey habraac lagu heshiiyey oo ku salaysan invoice (Qaansheegasho) ay shirkadu u dirayso GIZ xafiiskeeda Nairobi, kadibna ay GIZ Nairobi u dirayso GIZ Germany.

Shirkada ISXILQAAN waxay hadba shaqada ay qabato oo markii laga koontaroolo oo laga hubiyo inay buuxisay habraacii dhismaha wadada ee lagu heshiiyey Qaansheegashadeeda u diraysaa GIZ.

Koontaroolka ayaa wuxuu u dhacayey sidatan: Marka hore PHA ayaa waxay ka koontaroolaysaa Shirkada ISXILQAAN shaqada sida Biyaha, Ciida iyo dhagaxa ay u isticmaalayso dhismaha iyo shaqada ay qabatayba, kadibna GIZ Nairobi ayaa iyaduna sii koonatroolaysay, markaas kadib  ayey shirkadu diraysay shaqada ay qabatay Qaanshagashadeeda.

Dhaqaalaha

Dhaqaalaha ilaa hadda soo gaaray Shirkada ISXILQAAN waa 10% oo uu heshiisku ahaa in bilowga mashruuca loo fasaxo, taasoo u dhiganta $6 miljan   X 10% waa $600 000. Waxay kale oo shirkadda soo gaaray 297 000$ oo Qaansheegaashadeed ku xusnayd  oo loo soo shubay, isugayn waa lacag ku dhow $900 000.

Waxaa kale oo aan baaritaanka ku ogaanay inay jirto laba Qaansheegaashoo oo kale oo ay Shirkada ISXILQAAN ku dirtay GIZ Nairobi kadib loo sii gudbiyey GIZ Germany si lacagta loogu soo shubo shirkadda kadib markii ay ku guulaysatay labadii koontarool ee ay martay ee PHA iyo GIZ Nairobi.

Qalabka koontoroolka (Laboratory-ga) oo casri ah oo wax lagu koontaroolayo waxaa iska lahaa GIZ Nairobi, waana inay wax kasta oo wadada galaya koontarool maraan.

Doorka GIZ

Sidii heshiiska ku xusnaa Fuliyaha (Isxilqaan) iyo wakiilka maalgeliyahaEU  (GIZ)waxaa u dheexaya PHA, haldaas waxaa ka muuqata in doorkii GIZ ee mashruuca ay ku wareejiyeen PHA oo Shirkadda ISXILQAAN heshiiska la gashay.

Dawladda Puntland oo ay wakiil uga ahayd PHA sidaas ayeysan u maamulin wax dhaqaale oo kaliya ka ahaayd korjooge sida ay hawshu u socoto.

Dhaqaaluhuna wuxuu ku baxayey Qaansheegasho ay ISXILQAAN  u dirsato GIZ marka ay sharuudihii koontoroolka looga baahnaa ay buuxiso sidaasaana ay hawshu ku socotay.

Sidaas ayey u muuqataa inysan jirin wax dhaqaale ah oo uu leeyahay mashruucaasi oo soo galay amaba soo maray Qasnada dawladda Puntland.

Maxaa isbedelay?

Waxaa xigay warqad ay soo saartay GIZ oo wakiil uga ahaa mashruuca EU, kuna caddaynayso inay mashruucii joojisay heshiiskiina ka baxday.

Sababaha ay sheegatay GIZ waxay ahayd maamulxumo, iyadoon caddayn cidda samaysay maamulxumada.

Waxaa iswaydiin leh maamulxumada ay sheegtay GIZ yaa la maamulayey oo ay ku sheegaysaa? Shirkadda ISXILQAAN shaqadii ay qabato waxay maraysay labo koontarool oo kala ahaa PHA iyo GIZ, markaas kadib ayey Qaansheegashadeeda u dirsanaysay GIZ sidaas ayeyna hawshu ku socotay.

Sidaas daraadeed waxaynu dhihi karnaa maamulxumo haddii ay jirto waxay ka jirtay GIZ dhexdeeda.

Muxuu mashruucu ku sugan yahay hadda, xaggeese xal maraysaa?

Shirkadda ISXILQAAN oo wadaniga ahi waxay isku xilqaatay inaan shaqadii istaagin, waxayna go’aansatay in sidii heshiisku ahaa shaqdii u wado, ayna dhisto 40km oo laami ah, Burtinle iyo Xarfo.

12kii sep 2018 ayey shirkadu bilowday Laami saarista wadada, waxayna kusoo gabagabaynasaa mudo ugu badnaan ah 2 bilood ah, hoos ka daawo Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo ka hadlaya.

Maadaama ay GIZ ku fashilantay soconsiinta mashruucaan oo iyada gudaheedii dhib ka abuurmay, waxay dawladda Puntland iyo Shirkadda ISXILQAAN oo is kaashanaya codsi wadjir ah u gudbinayaan EU oo awal usoo wakiilatay GIZ inay wakiil cusub usoo magacowdaan.

Warka Suuqeeda ee Mucaaradka!!

Qofku waxaa fiican inuu ka hadlao wax uu ka warqabo ama xogteeda ogyahay, haddii aysan taasi dhicin wuxuu ku hadlaa waxay noqonaysaa warxumo tashiilnimo iyo jahawareerin ummadeed, wuxuuna astaahilaa ciqaab.

Halkan ka daawo Nabadoon  Khaliif Aw-Cali oo ka hadlaya xataa inay been u sheegeen Baarlamaanka Puntland laakiin markii ay baareen ay garowsadeen warkaas inuusan sax ahayn.

About The Author