Muuqaal: Xogta mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo Nov 2018 iyo sida loo maareeyey!
04 July 2023 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay goaansatay inay akhristayaasheeda u soo bandhigto xogta mashruucii dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo iyo sidii ay u maamushay xukuumaddii uu madaxweynaha ka ahaa Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Madaxtooyadda dawladda Puntland kulan kula yeeshay wefti uu hogaaminayo safiirka Midowga Yurub u qaabilsanaa arrimaha Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido, taariikhdu markay ahayd 05 November 2018.
Madaxweynaha iyo safiirka midawga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxay ka wada hadleen wanaajinta xiriirka midawga Yurub ee Soomaaaliya gaar ahaan Puntland, dhammaystirka wadada Garowe- Gaalkacyo iyo arrimo kale oo muhiim ah.
“dhammaystirka mashariic badan ayey u yimaadeen weftigu oo ay ugu horayso dhismaha wadada Gaalkacyo – Garowe oo beryahan aad ka maqlayseen wararka beenta ah ee sheegaya in mashruucii wadada lumay, waxaas wax ka jiraa ma jiraan been iyo kutiri-kuteen ayey ahayd, waxay maanta halkan idiinku sheegi doonaan in mashruucu sidii uu ahaa loo hirgelinayo oo weliba ay lacago dheeraad ah u raadinayaan una soo heleen mashruucuna sidii loogu talagalay u hirgelidoono madaama uu muhiim u yahay isu socodka Soomaaliya oo dhan uma aha Puntland keliya, sidoo kale waxaan ka wadahadalay mashaariic badan oo dhan walba ah oo ay dhowaan soowadaan iyo arrimaha Soomaaliya, gaar ahaan siyaasadda cakiran ee hadda jirta’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.
Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay markiisii ugu horaysey inuu yimaado Puntland, waxa uu tilmaamay inay Madaxweynaha ka wadahadleen xiriirka wanaagsan ee Puntland iyo mudawga Yurub, mashariicda horumarineed ee ay ka wadaan Puntland, maalgashiga, mashariic cusub oo ay soo wadaan, wadada Gaalkacayo – Garoowe oo uu xusay in dhismaheedu meel wanaagsan marayo, waxaana uu tilmaamay inay dedaal dheer ugu jiraan dhammaystirka wadadaasi oo muhiim u ah guud ahaan Soomaaliya, isla mar ahaantaana waxa uu marlabaad dul istaagay in mashruuca wadada Gaalkacyo – Garoowe dardar gelin doonaan dhismaheeda una dhammaystiri doonaan sida ugu macquulsan.
Hoos ka daawo shirkii jaraaid ee ay wadaqabteen madaxweyne Gaas iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Mr. Fulgencio Guiz Garido kagana hadleen mashuuca dhismaha wadada Garoewe-Gaalkacyo: