Falanqayn iyo ka doodid qaar ka mid ah qodobadii ka soo baxay Golaha Wasiirada Puntland
13 jun 2015 (Puntlandes) Shirkii golaha wasiirada ee Puntland oo sidiisaba ah madal inta lagu qaxweeyo oo lagu sheekaysto lagasoo saaro ”War murtiyeed” aan wax qiima ah oo uu ku fadhiyaa aysan jirin baa kiisii u danbeeyey ee 11. June 2015, halkan ka akhri, waxaa laga soo saaray, ammaanka guud wuu sugan yahay, iyo kalmado beerlaxawsi iyo calaacal laba dhinacle ah.
Taas oo ah in madaxweynuhu madasha ka Sheegay in federaalkii laga guuray oo loo guurey dano qabiil iyo mid shakhsiyadeed iyo tan labaad oo ahayd in uu yiri dadka Puntland waa in ay noqdaan kuwo ku baraarugsan horumarka dawladu ay ka gaartey amniga, iyo kaabayaasha dhaqaalaha
Soomali hore baa laga sheegay Diinku ilmihihiisa fiiruu ku koriyaa, dadka qaarbaa waxay u qaateen maadaama aanay jirin hab cilmi baaris, wax walbana lagu qiimayn jiray aragti oo keliya,in Soomaalidii hore is waydiiyeen su,aasha ah diinku maadaama uusan naasso lahayn, sida shinbirahana uusan caruurtiisa afka wax ugu gurin, seebay u koraan caruurtiisu? Taas waxaa ka dhalatay maahmaahdaas aynu ku cabirno wax afka uun laga sheego in la wanaajinayo ficilkiina ka maqan yahay.
Arrinta mashaariicda iyo horumarka Madaxweynuhu intaas afka uun ka sheegayo waxaan dhihi lahaa in ay ficil iyo dedaal u baahan yahay, illen derbiyo dhisani dhulka inoogasoo bixi mayaane, amniguna sidaas iyo si ka sii daran buu ugu baahan yahay in la daryeelo hay,adaha ku shaqada leh. Kuwaas oo la tayeeyo oo agabkii ay ku hawl geli lahaayeen lala dul taagnaado. Waxay soo kordhinayso ammaanbaa sugan maalinkasta madaxtooyada warqad looga soo saaro, iyyadoo ay wax kale daaye mushaarkii ay xaqa u lahaayeen ay la,yihiin. Muxuu ammaan ka fekeraa nin og in ay caruuriisii caano la,yihiin? Bal daa ammaane waxaa suurto gal ah in inta la laaluusho uu baneeyo booskii lagu ogaa oo halkaas cadawgu ka yeeraro ummadda. Soomaalidii hore waa ogayd in uusan Diinku caruurtiisa fiiro ku korinine waxay tusaale inooga dhigayeen figradgaab iyo aqoon darri, keenta in la damco in ummada la isaga dhigo in wax la taray iyadoo waxa muuqdaa ay ka bedelanyihiin arrinkaas.
Arinta kale ee aan hoosta ka xariiqanay waxay ahayd midda ku saabsan qolyaha Xamar.
Madaxweynuhu ma ogyahay in qaloocu uusan shalay imaane uu soo bilawday 1991?
Ma ogyahay in reer Puntland geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen in ay qaloocaas toosiyaan.
Taas oo suurto gal noqon weydey.
Hadduusan taas ogeyn xilkuu hayo calaamad su,aal baa saaran. Marka laga soo tago dagaaladii sokeeyo waxay soomaalidu isugu tagtay shirar laysugu deyeyey in dib wax loo hagaajiyo. Mar kasta isku daygaas qolaa caqab ku ahayd. Tusaale shirkii ugu horreeyey waxaa la isugu tegey Jabuuti june iyo July 1991, waa tii inta qabiilka dega Puntland tanaasuleen oo ay kula heshiiyeen Cali Mahdi in ay assaga dooranayaan haduu fuliyo Shuruud ahayd in uusan Raysulwasaare ka dhigin Cumar Carte Qaalib oo issagu bilo ka, hor amray in Ciidankii xooga dalka Soomaaliyeed ay isu dhiibaan qabaa,ilo gaar ah iyo jamhadahooda. Yey dhibtaa ballan beenaale!! Waa tuu inta xamar tegey ku dhawaaqay Cumar.
Wixii intaas ka denbeyey oo ah 24 sano hal heshiis oo ka fuley dhinaca Xamar ma uu jirin. Madaxweynaha Puntlandna issagaa waayadaan oo dhan ama aan iraahdo tan iyo intii uu meesha yimid lagu eedeynayey in uu shuruud la,aan u daba socdo qolyaha Xamar.
Waa kii ku cataabay isagoo ka jawaabaya eedeyntaas in uusan dawladii uu issagu!!! Gacmihiisa ku dhisay uusan gacmihiisa ku dumin Karin.
Hadiiba ay taasi jirto ma Issagaa duminaya misse Qolyaha Xamar baa duminaya oo 24 sano ee lasoo dhafay caadaystey in aysan garwaaqsan in ay dantu ku jirto inay Soomaali wada jirto?
Madaxweynuhu Ma, quustay misse hadalkiisa khamiistii wuxuu ahaa beer laxawsi loo jeedinayo dhinaca Xamar?
Qolyaha Xamari ma, leyihiin beer u debacsan Gaas oo kale?
Gaba gabadii waxaan oran lahaa Taarikhda waxbaa laga bartaa. Soomaaliyana waxay iska daba jiitameysey 24 sanadood: 24:kaas sannadood waxaan aragnay in si kastoo reer Puntland wanaag iyo Soomaalinimo u doonaan, loogu bedelo boob iyo damaaci inta farahooda ku hadhay.
Tusaale ahaan, Halkii laga sugayey in dadku ay guryahoodii Xamar helaan, baa hadda waxaa loo socdaa kuwii Jiriiban, Galdogob, Xarfo, Gaalkacyo iyo inta u dhaxaysa. Misse Xudduudda ay hadda ku doodayaan waxay ku taalaa meel u muuqata Faratooyada?
Calaacal iyo muusanow wax tari mayee ama go,aan cad Qaado ama meesha bannee oo u bannee qof arka xaqiiqda oo la socdey taariikhdaas Qallooca ku jirtey ee Soomaliya.
W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com
Daabacaada:Puntlandes.com