Daawo Video: Shirka Cadaado oo Ansiyey Dastuur lagu sheegay in Dhamaan Gobalka MUDUG ay iyagu leeyihiin

2026a

13 Jun 2015 (Puntlandes) Shirka maamul samayta ay Gadaal ka riixayso DFS ee Degmada Cadaado ka socda ayaa waxa uu ansixiyey Dastuur lagu sheegay in Dhamaan Gobalka MUDUG ay iyagu leeyihiin, xuduudoona Waqooyi ay Gobolka Nugaal xad leeyihiin.

Tani tii ay Warbaahinta Puntlandes ka digaysay inta ku dhow sanadka, waxaana sabab u ah dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiwali Maxamed Cali GAAS oo ku guuldaraysatay ilaalinta dhulka Puntland iyadoo intii ay xilka haysay uu ninkii doonaaba cad goosanayey Puntland.

Waxaaa kaloo mas’uuliyadda la qaadanaya dawlada GAAS Shacabwaynah reer Puntland gaar ahaan reer MUDUG oo fiirsadayaal ka noqday QADIYADOODA MASIIRIGA AH iyadoo Dhulkoodii lagu yahay BOOB cad.

Daawo Gudiga Farsamadda CADAADO u sheeganaya si aan gabasho lahayn in Gobolka MUDUG oo dhan ay iyagu leeyihiin  ileen waa meel ay Sahansadeene

Puntlandes.com

About The Author