Sawirro: Sanataro & Xildhibaano labada golle ee Baarlamaanka DFS ka socda oo kulan la yeeshay Islaan Bashiir

05 July 2023 (Puntlandes) Sanataro iyo Xildhibaano labada golle ee Baarlamaanka DFS ka socda oo uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee aqalka sare mudane Timacade ayaa kulan la yeeshay Islaan Bashiir Islaan Cabdille.

kulanka oo looga hadlay xaalka Puntland ayey xubnaha labadda golle uga warbixiyeen islaanka shirar badan oo ay horay ula galeen PUNSA, Gudoonka Golaha Baarlamaanka Puntland, Madaxwaynaha, isimadda Nugaal iyo qaar ka midda mucaaradka Puntland.

Warbixin kadibna waxa ay Islaanka ka codsadeen in hawsha taagan ay Isimadda Puntland oo marjaca ugu sareeya Puntland ah ay xalkeedda dadajiyaan.

Islaanka ayaa ka mahadceliyey dadaladda ay bixiyeen xubhaha Baarlamaan ka Fedaraalka ka socda, waxa uuna codsaday in aan lookala tagin xalinta hawsha tagan.

About The Author