Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo is-casilay

06 July 2023 (Puntlandes) Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay xaqiijinayaan in wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Abshir Cumar Jaamac (Huruuse) uu iska casily xilkii uu hayey ee ahaa wasiirka.

Wasiir Huruuse ayaa sababta uu isku casilay waxay tahay markii isaga iyo madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ay isku khilaafeen soo badelidda Qunsulka Soomaaliya u fadhiya magaalada Jeddeh ee dalka Saudi Arabia.

Qunsulku ayaa wuxuu ka hor istaagay Deplomatic Card oo xiliyada Xajka la bixiyo Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cisman (Axmed Karaash).

Wasiirka ayaa soo faragaliyey arinta, hase yeeshee Qunsulku wuu ka madax adeygay inuu qaato amarkii wasiirka. Sidaa darteed wasir Hurruse ayaa wuxuu amray Qunsulka in uu si deg deg ah Muqdisho ku soo galo.

Arinta ayaa waxaa si toos ah u soo faragaliyey madaxweyne Xasan Sheekh oo wasiirka ku amray inuu iska daayo Qunsulka, wasiirkuna waa ka diiday madaxweynaha, oo wuxuu u sheegay in dacwooyin hore ka yaalleen, sidaa darteed ay habboon tahay in gudaha waddanka la soo galiyo si loogula xisaabtamo.

Inuu Qunsulku soo galo Muqdisho waxaa si toos ah u diiday madaxweynaha ka dibna wasiirka arintan iyo arimo kale oo is biirsday dartood waxa uu go’aansaday in uu is casilo, wuxuuna warqaddiisii is casilaadda u gudbiyey madaxweynaha.

About The Author