Akhriso Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka & Jinsiyadda Soomaaliya oo iscasilay

06 July 2023 (Puntlandes) Agaasimihii Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Cabdiqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa shaaciyey inuu isk casilay xilkii hey’addaas, wuxuuna u gudbiyay iscasilaadiisa Wasaaradda Amniga Gudaha dawladda Federaalka.

Cabdul ayaa ka mid ahaa 18 xubnood oo Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ku eedeysay musuqmaasuq iyo lunsasho xoolo dadweyne, waxaana eedeyntaan uu ku tilmaamay mid siyaasadeysan oo Xafiisyada lagu go’aamiyay, iyadoo la hiigsanayo jago iyo shaqo.

About The Author