Akhriso Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka laabtay Shaqo ka joojintii uu kasameeyey kadib markii Madaxweynuhu ku cadaadiyey

07 July 2023 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada XF Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa laabtay ka laabtay Shaqo ka joojintii uu ku kasameeyey Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Maxamed Cabdiraxmaan Anas iyo Agaasimaha Dakhliga ee wasaarada Maaliyada oo kamid ah saaxiibada Madaxweynaha, kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh ku cadaadiyey inuu shaqada ka tago ama ka laabto.

Wasiir Cilmi ayaa wuxuu go’aansaday inuu xilkiisa sii haysto kana noqdo labadii shaqo ka joojina ee uu shalay sameeyey, halkaan ka akhriso

Wareegtada uu shaqo joojinta kaga laabtay Wasiirku ayaa lagu sheegay in laalista ku xusan wareegtadan aanay burineynin jiritaanka eedeymaha maamul sidaa darteed Agaasimaha Guud iyo Xisaabiyaga Guud Digniin, iyadoo madaxda Wasaaradda si dhow ula soconayaan gudashada iyo hoggaansanaanta waajibaadka shaqo ee ay farayaan.

About The Author