Agaasimaha Sirdoonka Kenya oo Muqdisho gaaray
07 July 2023 (Puntlandes) Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuuradiin Yuusuf Xaaji ayaa maanta booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.
Agaasimaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Agaasimaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad.
Ujeedka socdaalka Taliyaha Sirdoonka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay mid ku qotoma kor u qaadista iskaashiga labada dhinac, gaar ahaan la-dagaalanka argagixisada.
Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Muqdisho uu ku tago Agaasimaha Guud ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Kenya NIS Nuuradiin Yuusuf Xaaji.
Labada hey’adood ee Sirdoonka Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada hadli doona iskaashiga u dhaxeeya iyo dagaalka kooxda Alshabaab.
Bishii hore ayay aheyd markii Sirdoonka Kenya uu xiray ganacsade reer Mombasa ah, kaasi oo lala xiriirinayo inuu ku lug lahaa labo shixnad oo isugu jira qalab ciidan iyo walxaha qarxa oo bilo ka hor lagu qabtay dekedda Muqdisho.
Ganacsadahaan ayaa kahor inta aan la xirin waxay laanta la-dagaalanka argagixisada Kenya ee ATPU ay xog ku heshay in ninkaan uu taageero saadka ah u fidin jiray Alshabaab. Sidoo kalena uu qeyb ka ahaa konteenaro laga shakiyay oo laga keenay Shiinaha uu geeyay Soomaaliya.
Si kastaba, Safarka Taliyaha Sirdoonka Kenya ee Muqdisho ayaa imanaya maalmo kadib markii uu booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.