Sawirro: Bosaso oo ay ka socoto dhul boob xoog leh

07 July 2023 (Puntlandes) Kawaankii Kalluunka ee Xukuumaddii Puntland ee madaxweyne Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dhistay magaalada Bosaso ayaa waxaa haatan la wareegay ganacsade lagu magacaabo Cabdi Cali Geyre oo ay qaraabo dhow yihiin madaxweyne Deni, waxaana sida la sheegay dhawaan lagu bilaabi doonaa dumin si halkaas looga fuliyo ganacsi u gaar ah ganacsadahaas.

Ganacsade Cabdi Cali Geyre ayaa ganacsatadii kaluunka u dhisay balbalo 7 mitir ah oo laga dhisay dhul u dhow wasaaradda maaliyadda waana halka ay ka baxaan biyaha kasoo dhaca laamiga weyn ee Boosaso xili roobaadka taaso ay durba ka biya diideen ganacsatada kaluunka goobtaas oo aan ku haboonayn suuq kaluun.

Suuqa kaluunka Bosaso aya loo dhisay qaab casri ah iyadoo hay’addo ay ka taageereen dowladdii Gaas qalabaynta iyo dhismaha waxaana si habsi ah ugu ganacsada boqolaal kaluumaysato ah.

Iskaashatada kaluunka Boosaaso ayaa sheegay in aysan marnaba ka guureen dhulkaas iyagoo sheegay in maamulka degmada Boosaso ay qayb ka yihiin qorshahaan lagu boobayo dhulka dowladda.

Gudoomiyaha gobolka Bari iyo duqa Boosaso oo fulinaya amar kasoo baxay madaxtooyada ayaa cadaadis ku haya ganacsatada kuna qasbaya in ay balbalada laga dhisay xeebta u guuraan!

Qoraalka iyo sawirrada Sheikh Ahmed Caano Geel

About The Author