Sawirro: Khasaare ballaaran oo ka dhashay Dabkii xalay ka kacay Suuqa Taywaan ee Magaalada Jigjiga
08 July 2023 (Puntlandes) Khasaare laxaad leh ayaa ka dhashay dabkii xalay qabsaday Suuqa wayn ee ganacsiyada kala duwan bulshadu ku haysatay ee Taywaanka ee magaalada Jigjiga.
Abaare fiidnimadii xalay ayuu dabku ka bilaabmay suuqa Taywaanka tan iyo markii uu bilawday hay’adaha amaanka iyo laamaha dab damiska ayaan fadhisan tan iyo intii laga xakamaynayay, hayeeshee waxaa iyana kaalin muuqata ka qaadanayay shacabka.
Khasaaraha ayay xukuumadu ugu jirtaa xaqiijinta heerka uu gaadhsiisanyahay hantida ku bas beeshay suuqa Taywaanka, iyadoo xilligaasi dabaylo laxaadle socdeen oo sababayay xawaaraha dabku inuu sii huro.
Masuuliyiinta heer deegaan iyo shacabkuba mar kama aysan nasanin kaalin ka gaysashada soo afjarida dabkaasi khasaaraha hantiyeed gaystay.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin heer Fedaraal iyo deegaan isugu jira ayaa gaaray Suuqii gubatay.
Masiibaddan dabiiciga ah oo keentay khasaare hantiyeed oo badan ayaysan cidina ku dhiman waxa uuna Madaxwayne Mustafe oo la qaybsanaya dareenka dadka ku hanti waayay suuqa cadeeyay in ka xukuumad ahaan la siinayo taageero dhinac walba leh bulshadeenaas ku hanti beeshay suuqan ganacsi.