Muuqaalo: Baarlamanka Soomaaliya oo dib u celiyey Wasiirka Amniga oo horyimid kadib markii xildhibaanno badan ay sharcidaro kutilmaaneen Ajendaha

08 July 2023 (Puntlandes) Baarlamanka Soomaaliya ayaa dib u celiyey Wasiirka Amniga Mr.Doodishe oo horyimid ka dib markii xildhibaanno badan ay kala hortageen saxan iyo buuq kadibna cod uu qaaday gudoomihi lagu diiday.

Xildhibaanda ayaa sheegey in ajandaha wasiirradu ku hor-imanayaan Golaha uu yahay mid ay diyaarisey xukuumadda DFS, iyaga oo tilmaamay in ay iyagu u yeeri karaan mas’uulta, halkaan ka akhrisi liiska ay Xukuumaddu diyaarisay ee u yeerista.

Guddoomiye Madoobe oo xakamayn waayey buuqa golaha ayaa ku qasbanaaday in uu cod u qaado is-marin-waaga, iyada oo ugu danbayna ay ku guuleysteen xildhibaannada diiddanaa qorshaha xukuumadda ee wasiirrada ay ku hor-imanayaan Baarlamanka.

Hoos ka daawo Gud Aadan Madoobe “Ajendaha dibbaan u dhigeynaaa sida codku yahay kulanka xiga ayaana ka doodeynaa”

Hoos ka daawo Xildhibaano sheegay in Baarlamaanku u baahan yahy inuu isla xisaabtamo intaan xukuumadda la aadin.

About The Author