Wasiirkii Maaliyadda DFS oo isku shaandheyn kooban oo la sameeyey xilka looga qaaday

08 July 2023 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golihiisa Wasaaradda.

Waxaa Xamse magacaabsy:

1- Biixi Iimaan Cige oo loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, iyadoo xilka laga qaaday Dr Cilmi Maxamuud Nuur.

2- Maxamed Cilmi Ibraahim waxaa loo magacaabsy Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

3- Saadad Maxamed Nuur Caliyow oo loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, waxaana xilkaas laga qaaday Ilyaas Cali Xasan

4- Abuukar Jaylaani Sheekh waxaa loo magacaabsy Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waana xil cusub oo lagu kordhiyay..

Wasiirka cusub ee Maaliyadda Xildhibaan Biixi Iiman Cige ayaa.wuxuu ka soo jeeda Beesha Isaaq gaar ahaan Garxajis/Ciidagale halka wasiirkii hore ka soo jeedey beesha Gadabuursi.

About The Author